Askari katirsan ciidamada Dowladda Fedaraalka ayaa habeen hore waxa uu wiil dhalinyaro ah ku dilay magaalada Muqdisho.
Dilka ayaa waxa uu si gaar ah kaga dhacay agagaarka isbitaal Madiina ee magaalada Muqdisho.
Wiilka la dilay oo bajaajle ahaa ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Liibaan Cabdi Aadan, waxa uuna dilkiisu yimid kadib markii askari katirsan Dowladda Fedaraalka oo doonayay in si qasab ah uu mootadiisa ku raaco uu ka diiday.
Ehellada wiilka dhalinyarada ah ee la dilay iyo qaar kamid ah asxaabtiis ayaa ka warbixiyay sida loo dilay Liibaan.