Maleeshiyaadka Jabhadda Amxaarada ee Faano ayaa la wareegay magaalo muhiim ah oo udhaw magaalada Gonder ee gobolkaasi.
Magaaladan ay la wareegeen kooxda Faano, ayaa waxaa horay gacanta ugu hayay ciidamada dowladda Fedaraalka ee Itoobiya.
Waa degmada Debark oo dhacda waqooyiga Itoobiya ee ismaamulka Amxaarada, waana magaalo istaraatiiji ah sida la sheegay.