Waxaa saaka garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, ku xayiran rakaab u safri rabay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, kuwaasoo ku qornaa labo diyaaradood oo lagu waday iney ka duulaan garoonka.
Illaa iyo hadda lama oga waxa rasmiga ah ee ka dambeeya tallaabadan, mana jirto war rasmi ah oo kasoo baxay Dowladda Federaalka oo la xiriirta arintan. Dadka lagu waday iney safraan ayaa hadda ku sugan gudaha garoonka diyaaradaha.
Tallaabadan ayaa waxaa si kulu uga hadlay maamulka Koonfur galbeed ee uu hogaamiyo Lafta gareen, afhayeenka maamulka Koonfur galbeed ayaana sheegay in Xasan Sheekh uu mar weliba dhibaateeyo dadka shacabka ah.
Arintan ayaa la xiriirta khilaaf soo kala dhexgalay maamulka Koonfur galbeed iyo Dowladda Federaalka, Laftagareen ayaana diiday dalab ahaa inuu yimaado magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.
Waxaa suurogal ah inuu sii xoogeysto khilaafka siyaasadeed ee soo kala dhexgalay Xasan Sheekh Maxmuud iyo Laftagareen, iyadoo warar la helayo ay sheegayaan in magaalada Baraawe ay ka socdaan tallaabooyin ka dhan ah maamulka Koonfur galbeed.