Shilka ayaa waxa uu ka dhacay degmada Sheekh ee mandiqadda Saaxil ee uu ka arrimiyo maamulka ka baxay Soomaaliland.
Ugu yaraan 1 askari ayaa ku dhintay shilkaan halka ay ku dhaawacmeen 8 kale kuwaas oo dhammaantood katirsan Boliska maamulka la baxay Soomaaliland
Shilka ayaa yimid kadib markii ay isku dhaceen gaari ay leedahay mid kamid ah sharikadaha ka howlgala dhulka uu ka arrimiyo maamulka Soomaaliland, iyo gaari ay wateen ciidamada Boliska maamulkaas.
Masuul katirsan maamulka oo lagu magacaabo Cabdirisaaq Cabdilaahi Guuleed ayaa faahfaahin ka bixiyay khasaaraha ka dhashay shilkaan.