Degmada wardheer ee katirsan gobolka Doollo oo kamid ah dhulka Soomaali-Galbeed ee ay Itoobiya gumeysiga ku heysato, ayaa waxaa ka dhacay dil fool xun oo lagula kacay, dhalinyaro arday ah oo ku sugnaa Masjid ku yaalla degmadaasi.
Dilkan ayaa dhacay saakay salaaddii Subax, waxaana halkaasi lagu dilay 6 kamid ah xertii Masjidka cilmi dalabka ujoogay, kuwaasoo la sheegay inuu dilkoodu salka ku hayo aano qabiil.
Falkan ayaa la sheegay iney ka dambeeyay koox dabley ah, kuwaasoo rasaas ku furay xerta, kadibna goobta isaga baxsaday.
Wararku waxay intaasi ku darayaan in galbeedka gobolka Doollo oo ay katirsan tahay magaalada Wardheer ay ka taagan tahay xiisad dagaal oo udhaxeysa qabaa’il halkaasi wada dega.
Dagaallada qabaa’ilka ee kusoo laalaabanaya gayiga Soomaaliya ayey aqoonyahanka iyo waxgaradka Soomaaliyeed aamisan yihiin, iney hurineyso dowladda itoobiya oo dalka Soomaaliya daris la ah dhulkaasi Soomaaliyeedna gumeysato.