Maalintii shalay oo Talaado ahayd, dagaalyahanno aad u hubeysan oo katirsan Jamaacada Nusratul Islaam wal Muslimiin, ayaa weerar xoog kugal ah waxay ku qaadeen xarumo milliteri oo muhiim ah, oo ku yaala magaalada Bamaako ee caasimadda dalka Maali.
Weerarka ayaa lagu qaaday garoonka milliteri ee magaalada Bamaako iyo xarun tababar oo ku taalla magaalada caasimadda, waxaana uu geystay khasaare baaxad leh oo gaaray ciidanka dalkaas.
Sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Nusratul Islaam wal Muslimiin, labo majmuuco oo Inqimaasiyiin ah, ayaa xoog ku galay garoonka milliteri iyo xerada tababarka, waxayna toogasho u geysteen ciidankii goobta ku sugnaa.
Muuqaallo lagu arkay Internetka, ayaa muujinaya dagaalyahanno hubeysan oo dab qabadsiinaya diyaarado milliteri, sidoo kalena rasaas la dhacaya dhismaha xarumaha ay gudaha u galeen.
Mu’assasada Az-Zallaaqa, waxay faafisya sawirrada dagaalyahannada fuliyay weerarka oo kujira diyaar garowgii ugu dambeeyay, waxaana labada majmuuco kala hogaaminayay istish-haadiyiinta kala ah Cabdi Salaam Al-Fullaani iyo Salmaan Al-Bambaari.
Afhayeen u hadlay milliteriga dalka Maali, oo ay soo xiganeyso wakaaladda wararka ee Faransiiska, ayaa tilmaamay in khasaare lixaad leh uu ka dhashey weerarka, sidoo kalena la gubay dhowr diyaaradood.
Dagaalka ayaa saacado xiriir ah socday, waxaana ciidanka Inqimaasiyiinta Mujaahidiinta Nusratul Islaam wal Muslimiin ku guuleysteen, iney difaacyo adag ka sameystaan gudaha saldhiga milliteri iyo garoonka diyaaradaha, taasoo u suurogelisay iney saacado xiriir ah ka dagaallamaan.
Weli jamaacada Nusratul Islaam wal Muslimiin, kama hadlin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashey duullaankan culus ee ay ka fulisay magaalada Bamaako ee caasimadda wadanka Maali, laakiin waxaa suurogal ah in war saxaafadeedyo kale soo saarto saacadaha iyo maalmaha soo socda.
Waa weerarkii ugu cuslaa ee noociisa ah oo ay dhawaan fuliso jamaacada Nusratul Islaam wal Muslimiin, kaasoo si gaar ah uga dhaca goobo xasaasi ah oo kamid ah magaalada caasimadda ah, jamaacada Nusratul Islaam wal Muslimiin, ayaana waayadii u dambeysay qaadeysay weeraro dhiiranaan badani ka muuqato, oo aad u qorsheysan.