Tallaabo lama filaan ku noqotay dadka Bangaladesh, ayay qaaday xukuumadda kumeel gaark aah ee dalkaas, taasoo ay awood garsoor ku siisay milliteriga Bangaladesh, oo ahaa cida gumaadeysay dadka muslimiinta ah ee dalkaas ku nool.
War kasoo baxay xukuumadda ayaa lagu sheegay, in saraakiisha milliteriga la siiyay awood fulineed oo garsoor muda ku siman 60 maalmood, iyagoo ka howlgalaya guud ahaan dalka.
Tallaabadan ayaa timid kadib markii dhawaan uu lataliyaha ugu weyn ee xukuumadda Bangaladesh Muxamad Yoonis booqasho ku tagay xarunta taliska ciidamada, halkaas oo uu kula soo kulmay saraakiisha milliteriga.
Milliteriga Bangaladesh, ayaa sheegay in awoodda la siiyay ay timid kadib markii ciidamada booliiska ay gudan waayeen howlihii loo igmaday, waxaana dad badani ka cabsi qabaan in milliterigu geysto tacadiyaad ka dhan ah shacabka, sidaba horey looga bartay.