Wasiirka arimaha dibadda Maraykanka ninka lagu magacaabo Antony Blinkin, ayaa booqasho ku tagay dalka Masar, halkaas oo uu kula kulmay madaxda wadankaas.
Wasaaradda arimaha dibadda ee Maraykanka ayaa sheegtay, in booqashada Blinkin ay ku egtahay dalka Masar oo keliya, uuna madaxda dalkaas kala hadli doono arimaha la xiriira wadahadallada xabad joojinta ee Qazza.
Waa booqashadii tobanaad oo uu Blinkin ku tago mandiqadda, tan iyo markii uu billowday xasuuqa Yahuudda ee Marinka Qazza, ninkan oo Yahuudi ah, ayaana marar badan ku faanay inuu daacad u yahay maamulka Yahuudda, kana shaqeyn doono amnigiisa.