Ugu yaraan 9 ruux ayaa ku dhintay, kudhawaad 3000 kun oo kamid ah canaasirta ururka shiiciga ah ee Xisbullaahna way ku dhaawacmeen, kuwaasoo ku sugnaa koonfurta Lubnaan, iyo xaafadda koonfureed ee magaalada Bayruut ee caasimadda dalkaas, gelinkii dambe ee maalintii shalay oo Talaado ahayd.
Qaraxyadan ayaa ka dhashey qalabyo isgaarsiineed oo ay isticmaalayeen xubnaha ururka shiiciga ah ee isku magacaabay Xisbullaah, qalabkaas oo lagu magacaabo Pager, maamulka Yahuudda ayaana illaa iyo hadda fartu ku godantahay, oo loo maleynayaa inuu ka dambeeyo masuuliyadda weerarkan.
Inkastoo tafsiir kala duwan iyo qaabab kala gedisan loo dhigayo sida loo fuliyo weerarada noocaan ah, hadana waxaan isku dayi doonnaa inaan soo gudbinno illaa iyo iminka waxa laga ogyahay dhacdadan.
Ugu horeyn, marka laga hadlayo qalabka isgaarsiineed ee Al-Beyjar oo ah kan la qarxiyay iyo waxa uu yahay, waa qalab isgaarsiineed oo bilaa Wirelles ah, kaasoo aad loo isticmaali jiray lixdameeyadii, si gaar ahna loogu talogalay marka ay jiraan xaaladaha deg-dega ah.
Kahor inta aaney soo shaac bixin isgaarsiintan casriga ah ee dunida xilligan laga isticmalao, wuxuu Pager ahaa wasiilada ugu caansan ee lagu wada xiriiro, si gaar ah weliba dhakhaatiirta, dadka ka shaqeeya maqaayadaha, shirakadaha iyo goobaha waxbarashada, iyo xitaa arimaha milliteriga iyo amniga.
Engineer Kanadiyan ah oo lagu magacaabo Alfarid Garoos, ayaa ikhtiraacay qalabkan Pager lagu magacaabo sanadku markuu ahaa 1949-kii, wuxuuna ku shaqeeya qalabkan batariyaasha Lithium, oo shaqeyn karo maalmo xiriir ah.
Horaan wuxuu qalabkani ahaa mid aan la ahayn wasaa’ilka casriga ah ee xiriirka sida Bluetootth-ka iyo Wifi-ga, oo keliya wuxuu ku shaqeyn jiray mowjadaha hawada soo mara, laakiin xilliyadii dambe horumarin ayaa lagu sameeyay.
Marka waa qalab xaaliyan codad iyo fariimaba la isugu soo diri karo, marka ay fariintu soo dhacdana wuxuu bixiyaa tilmaam ah iney wax soo dheceen ama gariir, illaa maa xadna xiriirkiisu waa mid ka aaminbadan qalabyada kale ee isgaarsiinta, sida ay tilmaamayaan dadka ka faallooda arimaha amniga Isgaarsiinta.
Marka laga hadlayo sababta ku riixday ururka shiiciga ah ee Xisbullaah isku magacaabay inuu adeegsado isgaarsiinta Pager, waxaa la tilmaamayaa in qalabkan maadaama uu yahay isgaarsiin qadiimi ah, oo aan Internetka ku xirneyn, iney u arkeen mid aamin ah, oo u suurogelin kara iney si nabad ah ugu wada xiriiraan.