garoonWaxaa sii xoogeysaneysa xiisadda ka dhexeysa Dowladda Fedaraalka iyo maamulka la baxay Koonfur-galbeed, iyadoo xildhibaanno doonayay iney ka safraan magaalada Beydhabo la xannibay.
Xillibaanno katirsan Dowladda Federaalka, ayaa sheegay in saaka laga hor istaagay iney ka duulaan garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, xilli ay doonayeen iney u safraan magaalada Baydhabo.
Waxaa xildhibaannadaasi kamid ah Sareedo Maxamed, waxa ay sheegtay in iyadoo garoonka taagan ay ka tagtay diyaaraddii ay raaci laheyn, arrinkaas oo ay ku tilmaamtay xadgudub ka dhan ah xildhibaannada.