HomeAll newsTurkiga oo Sheegay inuu Kulamo Gaar-gaar ah La Yeelanayo Dowladda Federaalka iyo...

Turkiga oo Sheegay inuu Kulamo Gaar-gaar ah La Yeelanayo Dowladda Federaalka iyo Itoobiya.

Iyadoo horey ugu fashilantay labo kulan oo ay garwadeen ka ahayd, kuna dooneysay iney ku dhex-dhexaadiso Itoobiya iyo Dowladda Federaalka, waxay dowladda Turkiga sheegtay in markale ay isku dayi doonto iney qaado tallaabo xal loogu raadinayo khilaafka labada dhinac.

Wasiirka arimaha dibadda Turkiga Hakan Fidan ayaa maanta oo Khamiis ah, waxa uu shaaca ka qaaday in dowladiisu wado qorshe ay si gaar gaar ah ugula kulmeyso dhinacyada Itoobiya iyo Dowladda Federaalka, kulankaas oo gogol xaar u noqonaya mid labada dhinac ay si fool ka fool ah isku hor imaanayaan.

Dowladda Turkiga ayaa horay waxay u marti gelisay labo kulan oo ay iskugu yimaadeen wasiirada arimaha dibadda Itoobiya iyo Dowladda Federaalka, laakiin kuma guuleysan in wax heshiis ah uu kasoo baxo kulamadas, wareega sadexaad oo loo madlanaa Talaadadii lasoo dhaafay ayay dowladda Turkiga ku dhawaaqday in dib loo dhigay.

Hakan Fidan, oo ah wasiirka arimaha dibadda Turkiga, ayaa isagoo la hadlayay wakaaladda wararka ee Anaadool, wuxuu sheegay inuu ku rajo weynyahay in dhinacyadu ay gaaraan heshiis buuxa, maadaama buu yiri ay jirto isku soo dhawaansho la xiriirta arimaha la isku hayay, isagoo aan bixin tafaasiil intan kabadan.

Wuxuu intaa ku daray iney jirto, duruus ay ka faa’ideysteen labadii wareeg ee hore, ayna ku rajo weynyihiin wareega sadexaad inuu noqdo mid dhinacyadu ay si fool ka fool ah u wada fadhiistaan, heshiisna u gaaraan.

Dowladda Turkiga oo iyaduba boob ku heyso kheyraadka Soomaaliya, ayaa u xusul duubeysa sidii Itoobiya loogu sharciyeyn lahaa boobka badda Soomaaliya, waxaana khubaradu tilmaamayaan iney u badantahay in Dowladda Federaalka ay ugu dambeyn Itoobiya siiso badda, maadaama horaanba aaney diidaneyn in Itoobiya qeyb laga siiyo badda Soomaaliya, waxa khilaafka keeneyna uu ahaa keliya in Itoobiya ay la macaamileen Muuse Biixi.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular