Dagaallo Khasaare dhaliyay ayaa markale gobolka Amxaarada ku dhexmaray ciidamada Itoobiya iyo malleeshiyaadka Fano.
Wararka ka imaanaya gobolka dhaca wuqooyi galbeed wadanka Itoobiya ayaa ku waramaya, in dagaallo xoogan ay dhexmareen ciidamada Itoobiya ee Federaalka ah iyo dagaalyahannada kooxda Amxaarada ee Fano.
Dagaallada ayaa ka dhacay magaalo lagu magacaabo Debark, oo 750 kiilomter u jirta magaalada Adis Ababa ee caasimadda Itoobiya, waxaana dhinacyada dagaallamay ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan.
Maalintii Talaadada illaa Arbacadii ayay dagaallagu dhaceen, waxaana ka dhashey waxyeello kala duwan oo gaartay dhinacyadii dagaallamay iyo dadka shacabka ah.
Maamulka isbitaalka magaalada Debark oo uu dagaalku ka dhacay, ayaa wakaaladda wararka ee Faransiiska u sheegay, in ugu yaraan 10 ruux ay ku dhinteen dagaallada, halka ay jiraan tiro dhaawacyo ah oo la dhigay isbitaalka, kuwaasoo dhan ugu yarana 35 ruux.
Dagaallada ugu adag ee hadda ka socda dalka Itoobiya, waxay dhexmarayaan ciidamada Itoobiya iyo kooxda FANO ee Amxaarada, mana muuqato ifafaalo muujinaya in dagaalladu halkan ku joogsan doonaan.