Ciidamada Jugta culus ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, ayaa habeenkii xalay waxay madaafiic xoogan ku garaaceen xerada Xalane, oo taliska ugu weyn ee ay deganyihiin Shisheeyaha kusoo duuley Soomaaliya, kuna yaalaan safaaradaha reer galbeedka.
Duqeymaha ayaa gudaha ugu dhacay xerada Xalane, waxaana dabkii xalay ka kacay Xerada uu soo gaaray illaa saaka.
Waxaa la rumeysanyahay inuu jiro khasaare kala duwan oo ka dhashey duqeynta, walow aynaan weli helin xogo rasmi ah.
Dhanka kale, ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ee ka howlgala dhulka NFD ee ku hoos jira gumeysiga dowladda Kenya, ayaa fuliyay weerar lagu beegsaday ciidamo Kenyaati ah.
Kolonyo ciidamo Kenyaan ah oo ka baxay magaalada Wargaduuda kuna sii jeeday degmada Ceel-qaalow ee gobalka Mandheera, ayaa waxaa lala eegtay qarax culus.
Gaari Mutabiish ah ayuu qaraxu haleeley, waxaana jira waxyeello isuga jirta dhimasho iyo dhaawac oo ka dhashey qaraxan.
Dhinac kale, habeenkii xalay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay weerar ku qaadeen fariisimiyaasha Haanta Dheer iyo Mukeyga ee degmada Afgooye, ku leeyihiin ciidamada Dowladda Federaalka.