Shalay galinkii dambe ayay askar katirsan Dowladda Fedaraalka waxa uu wiilka dhalinyarada ah oo lagu magacaabo Khaalid ku dileen, xaafadda Soonakey oo katirsan degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.
Askarta oo jirdil ugeysanayay islamarkaana dhiiqada ku rafinayay wiil dhimirka looga jiro ayuu Khaalid usheegay inuu yahay qof xanuunsan oo ay iska daayaan.
Intaasi kadib rasaas ayay ku fureen taas oo sababtay inuu isla goobta ku geeriyoodo, illaa 15 xabadood ayaana la sheegay iney ku rideen wiilka dhalinyarada ah.