Gelinkii dambe ee maalintii shalay, diyaaradaha maamulka Yahuudda ayaa duqeymo culus ka fuliyay xaafadda koonfureed ee magaalada Bayruut, halkaasoo ay deganyihiin badi saraakiisha sare ee ururka shiiciga ah ee labaxay Xisbulllaah.
Duqeymaha oo ahaa kuwa culus, islamarkaana geystay waxyeello kala duwan, ayaa waxaa si gaar ah loogu beegsaday xubno sare oo katirsan ururka shiiciga ah ee gacan saarka dhow la leh dowladda Iiraan.
War kasoo baxay taliska ciidamada Yahuudda ayaa lagu sheegay, iney ku guuleysteen khaarijinta madixii howlgallada ee ururka labaxay Xisbullaah Ibraahim Caqiil.
Ururka shiiciga ah ee isku magacaabay Xisbullaah, wuxuu dhankiisa bayaan uu soo saaray ku xaqiijiyay dilka Ibraahim Caqiili, oo sidoo kale loogu yeero Xaaji Cabdulqaadir.
Bayaanka waxaa lagu sheegay in ururku ka aargudan doono dilka loo geystay hogaamiyahan, inkastoo goodiga aargudashada marar badan laga maqlay ururkan, balse aanu ficil u bedelin.
Sarkaalka shiiciga ah ee lagu dilay duqeynta Yahuudda, waxaa horey liiska cunaqabateynta ugu daray dowladda Maraykanka, iyadoo ku eedeyneysa inuu kaalin ku lahaa weeraro sideetamayadii ka dhacay dalka Lubnaan, oo lagu dilay xubno Ameerikaan ah.
Marka laga yimaado sarkaalka lagu magacaabo Ibraahim Caqiil, wuxuu ururka shiiciga ah sidoo kale qirtay in duqeyn diyaaradeed looga dilay sarkaal lagu magacaabo Axmed Wahbi, oo ahaa taliyaha ciidanka gaarka ah ee ururka shiiciga ah.
Maamulka Yahuudda ayaa sida muuqata, wuxuu xooga saarayaa sidii uu u dhimi lahaa awoodda ururka shiiciga ah ee isku magacaabay Xisbullaah ee degan dalka Lubnaan.
Weerarada duqeymaha ah ayaa kusoo aadaya, iyadoo dhawaan weeraro xaga isgaarsiinta ah oo aad u ballaaran lagu qaaday nidaamka xiriirka ee ururka shiiciga ah, waxaana weeraradaas ay dhaliyeen dhimashada tobanaan ruux iyo dhaawaca kumanaan kale.
Hogaamiyaha ururkan shiiciga ah ee lagu magacaabo Xasan Nasrallaah, ayaa hadal uu jeediyay wuxuu qiray in ururkiisu la kulmay weerarkii ugu cuslaa abid, oo aaney noociisa horey u arkin, saasoo ay tahayna wuxuu sheegay in habdhismeedka ururka aanu waxba iska bedelin.