Wasaaradda dagaalka ee Maraykanka The Pentagon, ayaa war ay soo saartay waxay ku sheegtay, in biyaha bariga dhexe usoo dirtay maraakiib dagaal iyo diyaarado milliteri.
Markabka weyn ee Taroman, oo ay saaranyihiin diyaarado milliteri, ayaa soo gaaraya biyaha bariga dhexe, tani oo timid wixii ka dambeeyay dilkii Yahuuddu u geysteen hogaamiye sare oo katirsan ururka shiiciga ah ee fadhigiisu yahay dalka Lubnaan.
Sarkaal Ameerikaan ah oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay, in markabkan uu heegan u yahay inuu taageero siiyo howlgallada ciidamada Maraykanka ee Bariga dhexe, haddii ay xaaladdu kasii darto inta ay haatan tahay.
Xiisadda mandiqadda ayaa u muuqata mid kasii dareysa, iyadoona rajadii Maraykanku lahaa ee ah in aaga dagaalka la koobo uu u muuqdo mid aan sii jiri karin, waxaana khubarada milliterigu sheegayaan in mandiqadda ay lugaha lasii galeyso xaalad adag, suuragalna tahay iney jabhado horleh furmaan.