Saacadihii lasoo dhaafay, ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa qaaday weeraro lagu beegsaday ciidamada maamulllada labaxay Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.
Weerar madaafiic ah ayay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku qaadeen, xerada ay askarta maamulka la baxay Jubbaland ku leeyihiin degaanka Buulo-xaaji ee duleedka magaalada Kismaayo.
Waxaa sidoo kale la weeraray bar koontarool oo ay askarta maamulkaan ku leeyihiin inta u dhaxeysa deegaanada Buulo-xaaji iyo Cabdalle Biroole, waxaana dagaal kooban kadib ay ciidanku isaga firxadeen halka lagu weeraray.
Dhanka kale, ugu yaraan 3 askari oo uu ku jiro sarkaal Abaanduule Urur ah ayaa lagu dhaawacay, weerar kamiin ah oo ay maanta ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab udhigeen, askar katirsan maamulka la baxay Koonfur-galbeed oo ku socdaalayay duleedka degmada Xudur ee gobalka Bakool.