Ilyaas Cusmaan Lugatoor, oo ah madaxweyne kuxigeenka maamulka labaxay Puntland, ayaa weerar afka ah ku qaaday Dowladda Federaalka ee uu hogaamiyo Xasan Sheekh Maxmuud.
Wuxuu sheegay in Xasan Sheekh uu Soomaaliya ku wado god aan laga soo laaban karin, tallaabooyinka uu qaadayana in Soomaaliya ku dhisanto iska daaye, ay keeni doonto burburka Soomaaliya.
Xasan Sheekh Maxmuud iyo xukuumadiisa, ayuu ku sheegay iney yihiin kuwii ugu halista badnaa ee soo mara siyaasadda Soomaaliya.
Hadalkan ayaa imaanaya, iyadoo Dowladda Federaalka ku eedeysay dowladda Itoobiya iney hub shixnado ah oo sharcidarro ah soo gelisay dalka Soomaaliya, kaasoo ku socday maamulka Puntland, sida lagu sheegay war saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arimaha dibadda Dowladda Federaalka.