Khilaaf xooggan ayaa soo kala dhex galay madaxweynaha dowladda Kenya iyo ku xigeenkiisa.
Waxaa arrintaani oo mudooyinkii lasoo dhaafayba ay warbaahintu hadal heysay si rasmi ah ushaaciyay, Rigathi Gachagua oo ah madaxweyne ku xigeenka Kenya.
Waxa uu tilmaamay in laga saaray goob ay kuwada xiriir jireen islamarkaana ay iskula wadaaji jireen shaqooyinka madaxtooyada.
Shaqada hadda ka socota madaxtooyada dalkaasi ayuu sheegay inuusan waxba kala socon, maadaama laga saaray halkii uu kala socon jiray, mana jiro illaa iyo hadda wax jawaab ah oo uu hadalkaani ka bixiyay William Ruto madaxweynaha Kenya.