HomeAll newsUrurka Shiiciga "Xisubllaah" oo Duqeymo Ku Garaacay Wuqooyiga Dhulka Filastiin.

Ururka Shiiciga “Xisubllaah” oo Duqeymo Ku Garaacay Wuqooyiga Dhulka Filastiin.

Saacadihii lasoo dhaafay, ururka shiiciga ah ee labaxay Xisbullaah, ayaa duqeymo sawaariikh loo adeegsaday wuxuu ku garaacay, deegaanno iyo goobo muhiim ah oo ku yaala wuqooyiga dhulka la heysto ee Filastiin.

Sawaariikhda laga tuuray dalka Lubnaan, ayaa si gaar ah u beegsaday xarunta shirkadda Rafaa’iil, ee soo saarta qalabyada electorniga, iyo sidoo kale saldhiga iyo garoonka Ramat David, oo dhaca wuqooyiga magaalada Xeyfaa ee kujirta gumeysiga Yahuudda.

Warbaahinta Yahuudda ayaa tabisay, in inkabadan 100 gantaal ay kusoo dhececen goobo kala duwan oo kamid ah wuqooyiga dhulka la heysto ee Filastiin, sawaariikhdaasna geysteen waxyeello u badan burbur.

War kasoo baxay ururka shiiciga ah ee isku magacaabay Xisbullaah, ayaa lagu sheegay in duqeymahan ay jawaab ka yihiin weeraradii Talaadada iyo Arbacada ka dhacay dalka Lubnaan, kaasoo lagu beegsaday nidaamka isgaarsiineed ee ururka.

Waa markii ugu horeysay oo duqeymo intan la eg uu ururka shiiciga ah ee degan Lubnaan ku garaaco dhul fog oo katirsan Filastiinta Yahuuddu gumeysato, waxaana muuqaneysa in xaalku faraha kasii baxayo.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular