Gobolka Al-Laadiqiyah ee dalka Suuriya, waxaa ka dhacay arin naxdin badan, kaidb markii uu qof kunool magaalada uu gowracay labo caruur ah oo uu awoowe u ahaa.
Falkan ayaa ka dhacay xaafadda Qaniinis, waxaana uu ninku dilay labada caruur ee uu awoowaha u ahaa, isagoo markaa kadib dab qabadsiiyay guriga, sii uu u qariyo falkiisa.
War kasoo baxay maamulka Nusayriyada ee magaalada Laadiqiyah maamula, ayaa lagu sheegay in ninka falkan ku kacay uu qirtay, isagoo u sababeeyay falkan foosha xun khilaaf kala dhexeeyay waalidiinta dhalay labada caruur ee uu gowracay.