Bayaan kasoo baxay wasaaradda arimaha dibadda dalka Masar, ayaa looga digay dadka kasoo jeeda wadankaas iney safarro ku tagaan deegaannada uu ka arimiyo maamulka labaxay Soomaaliland, ee uu hogaamiyo Muuse Biixi.
Bayaanka Wasaaradda arimaha dibadda Masar, waxaa sidoo kale loogu baaqay dadka kasoo jeeda Masar ee kusugan deegaannada wuqooyi galbeed Soomaaliya, iney halkaasi sida ugu dhaqsiyaha badan uga soo baxaan.
Go’aankan ayay Masar u sababeysay xaaladaha hubanti la’aanta ah ee kajira mandiqadda geeska Afrika, iyadoo sheegtay inaaney awoodin iney gurmad siiso dadkeeda ku sugan deegaannadaas, haddii ay dhibaato la kulmaan.
Arintan ayaa kusoo aadeysa, xilli dhawaan maamulka labaxay Soomaaliland uu albaabada isugu dhuftay, maktabaddii dhaqanka ee dowladda Masar ku lahayd magaalada Hargeysa, dadka ka shaqeynayayna waxaa lagu amray iney sida ugu dhaqsiyaha badan uga baxaan deegaannada maamulka.
Muuse Biixi, oo waraysi uu siiyay telefeshinka Al-Carabiya lagu waydiiyay su’aal ahayd waxa keeney iney xiraan maktabaddii Masaarida ee Hargeysa, wuxuu tilmaamay in Masar ay taageero buuxda siisay Dowladda Federaalka, kana soo horjeedo maamulka Soomaliland, sidaasi darteedna ay u qaateen go’aankan.