Wararka ka imaanaya dalka Kenya, oo ay shilalka gawaaridu ku badanyihiin, ayaa tilmaamaya in masuul Kenyaati ah, uu ku dhintay shil ka dhacay wadankaas.
Shilkan ayaa si gaar ah kaga dhacay inta udhaxeysa degaannada Thika iyo Juja ee ismaamulka Kiambu.
Waxaa la sheegay in masuulka Kenyaatiga ee lagu magacaabo Ezra Kabuga Kihara, ahna xubin katirsan golaha deegaanka Kiambu, gaari uu watay ku dhacay mid xamuul ah, intaasi kadibna gaarigiisa uu dab ka kacay sidaasina ku geeriyooday.