Wasiirka ugu magacaaban hormarinta reer miyiga, maamulka la baxay Koonfur Galbeed Maxamad Ibraahiim ayaa sheegay, in uu qabo in wadanka oo dhan la gato, islamarkaana la xaraasho.
Wuxuu si cad umuujiyay marka uu hadalkaas ku dhawaaqayo ineysan jirin cid uu uga heybeysanayo, wax la qarinaya aysanba meesha oollin.
Madal uu ka hadlayay oo lawada buuxay ayuu ka sheegay hadalkan, waana lagu qoslay iyadoo loo sacbiyay.