Kenya Airways oo ah sharikadda duulimaadyada ee dalka Kenya ayaa lasoo warinayaa iney lumisay, lacag dhan 80 milyan oo ah lacagta laga isticmaalo dalkaas.
Tani ayaa loo sababeynayaa shaqo joojintii halka maalin aheyd ee ay sameeyeen shaqaalaha waaxda duullimaadka ee Kenya, taas oo keentay in sharikaddu uu soo gaaro khasaare xooggan sida uu sheegay madaxa fulinta ee sharikaddaas.
Waxa uu intaa ku daray in sharikaddu ay ku qasabanaatay iney ay dib uceliso lacagta dadkii uu safarkoodu baaqday.
Shaqo joojinta ay sameeyeen shaqaalaha iyo shirkada duulimaadyada ee kenya ayaa timid, kadib markii Kenya ay heshiis la gashay shirkadda Adani ee laga leeyahay dalka Hindiya, tasoo iyadana duulimaadyada qaalibsan.