HomeAll newsKudhawaad 20 Qof oo Dhimasho iyo Dhaawac ku noqday duqeymo ka dhacay...

Kudhawaad 20 Qof oo Dhimasho iyo Dhaawac ku noqday duqeymo ka dhacay Idlib.

Ciidamada Nidaamka Nusayriyada ayaa duqeymo ku garaacay, deegaanno katirsan gobolka Idlib, halkaas oo ay ku noolyihiin dad shacab ah.

Duqeymaha ayaa xoogooda ka dhacay magaalada Kafriyaa ee gobolka Idib, oo dhaca wuqooyi galbeed dalka Suuriya, waxaana duqeynta loo adeegsaday madaafiicda goobta.

War kasoo baxay kooxda Gurmadka deg-dega ayaa lagu sheegay, in ugu yaraan 4 ruux ay ku dhinteen duqeynta, halka 13 ruuxna ay dhaawacyo kala duwan soo gaareen, kuwaasoo la dhigay isbitaallada caafimaadka.

Dadka dhaawacyada qaba waxaa kamid ah 6 haween ah iyo 3 caruur ah, kuwaasoo xaaladooda caafimaad aad looga dayrinayo.

Magaalada Sarmiin ee gobolka Idlib ayaa iyaduna kamid ah goobaha ay duqeeyeen ciidamada Nidaamka Nusayriyada.

Jimcihii lasoo dhaafay ayay ahayd markii nidaamka Nusayriyadu duqeymo ka geystay magaalada Taftinaaz, halkaasoo lagu dilay 2 ruux, laguna dhaawacay 8 kale.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular