Waxaa sii kordhaya khasaaraha baaxadda leh ee ka dhashey duqeymaha Yahuuddu ka billaabeen dalka Lubnaan ee kamid ah dhulka Shaam.
Wasaaradda Caafimaadka ee dalka Lubanaan ayaa war ay soo saartay waxay ku sheegtay, in illaa iyo iminka ay xaqiijiyeen dhimashada 558 qof iyo dhaawaca 1645 ruux.
Dadka dhintay waxaa kamid ah qoysas wadajira, oo ay gantaalladu ugu tageen guryahooda, waxaana duqeymaha ugu xoogan ay ka dhaceen magaalooyinka ku teedsan xuduud beenaatka Lubnaan iyo dhulka Filastiin ee gumeysiga ku jira.
Sida uu sheegay wasiirka caafimaadka dalka Lubnaan, duqeymaha Yahuudda waxay beegsadeen xarumo caafimaad, gawaarida Ambalaasta ee gurmadka deg-dega, taasoo muujineysa inaaney Yahuudda u dan lahayn oo keliya dagaalyahannada iyo hogaanka ururka shiiciga ah ee saldhigyada ku leh dalka Lubnaan.
Taliska ciidamada Yahuudda ayaa war uu soo saaray wuxuu ku sheegay, in ugu yaraan 650 weerar oo duqeymo ah ka fuliyeen dalka Lubnaan, isagoo intaa ku daray iney beegsadeen 1300 oo hadaf oo taabacsan ururka shiiciga ah ee isku magacaabay Xisbullaah, sida ay warka u dhigeen.
Dhinac kale ururka shiiciga ah, ayaa wada duqeymaha uu kugaraacayo deegaannada iyo saldhigyada Yahuudda ay ku leeyihiin dhulka Filastiin, aroornimadii hore ee maanta oo Talaado ahna waxaa jira gantaallo laga tuuray koonfurta Lubnaan.
Gantaallada ayaa gaaraya goobo aaney horey u gaari jirin, waxaana ururka shiiciga ah uu shaaca ka qaaday inuu beegsaday saldhigyo milliteri oo ay leeyihiin ciidamada Yahuudda, inkastoo aan la ogeyn waxyeellada rasmiga ah ee ka dhalatay.