Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in hubka Masar ay ka dejineyso Muqdisho uu ku dambeyn doono gacanta Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Wasiirka arimaha dibadda dalka Itoobiya Taye Astke Selassie, ayaa sheegay in shixnadaha hubka ee ay Masar ka dejineyso magaalada Muqdisho, ay keeneyso inay sii xumaato xaaladda mandiqadda geeska Afrika, hubkaasina ku dambeyn doonto gacanta waxa uu ugu yeeray “argagaxisada”.
Wakaaladda wararka ee Itoobiya ayaa kasoo xigatay wasiirka arimaha dibadda wadankaas, in Itoobiya ay walaac xoogan ka muujineyso shixnadaha hubka ee ka degay Muqdisho, kaasoo uu sheegay inuu sii burburinayo xaaladda amni xumo ee horaanba uga jirtay dalka Soomaaliya.
” Waan ka walaacsannhay in hubkaasi uu uga sii daro xaaladda amni ee dalka Soomaaliya, ugu dambeyntiina wuxuu ku biyo shuban doonaa gacanta argagaxisada Soomaaliya joogta” ayuu yiri wasiirka arimaha dibadda Itoobiya Taye Astke Selassie.
Rashiid Cabdi, oo ah falanqeeye katirsan xarunta diraasaatka amniga ee Sahan, oo la hadlay wakaaladda Reuters, ayaa dhankiisa sheegay iney aad u xoogantahay cabsida laga qabo in hubka Masar ay la wareegto Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, oo uu sheegay in sanadkii 2023-ka ay hub farabadan kula wareegtay weerarada ay ku qaaday saldhigyada ciidamada Dowladda Federaalka.
Dowladda Itoobiya iyo Masar oo isku heysto biyo xireenka An-Nahda ee laga dhisay webiga An-Niil, ayaa doonaya in Soomaaliya ay ka dhigtaan saaxo milliteri oo ay ku loolamaan, mid welibana midka kale uu cadaadis ka saaro, sida muuqatana labada dowladoodba waxay kala wataan dhinacyo Soomaali ah oo aan danta Soomaaliya ka fakaraynin, kuwaasoo kala ah Dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada, sida ay tilmaamayaan waxgaradka Soomaaliyeed.