Tafaasiil dheeraad ah ayaa laga helayaa qaraxyo maalin kahor lala beegsaday, kalonyo katirsan ciidanka Ugandha ee qeybta ka ah shisheeyaha kusoo duulay dalka, kuwaas oo ku lugenayay inta udhaxeysa degaannada Shalaanbood iyo Danow oo kawada tirsan gobalka Sh-hoose.
Xogta la helayo ayaa tilmaameysa, in weerarkaasi ciidanka Uganda looga dilay ugu yaraan 3 askari, halka looga dhaawacay 5 kale.
Saacadihii lasoo dhaafay ayay aheyd markii qarax ka dhacay isla aaggaan lagu dilay 2 sarkaal oo Miino-baarayaal ah kana tirsanaa ciidanka Uganda.
Dhinca kale waxaa weerar kamiin ah saacadihii lasoo dhaafay loo dhigay, askar katirsan Dowladda Fedaraalka oo ku socdaalayay afaafka hore ee degmada Awdheegle oo katirsan gobolka Sh-hoose.
Waxaa lasoo warinayaa in khasaare uu ka dhashay weerarkaan, in kastoo aan wali la helin faahfaahin dheeraad ah.