Gaadiidleyda ka howlgala magaalada Ceerigaabo ee uu ka arrimiyo maamulka la baxay Soomaaliland ayaa sheegey iney saameyn xooggan ku yeelatay bandow uu maamulku kusoo rogay magaalada.
Maamulka la baxay Soomaaliland ayaa waxa uu bandow ka billaabanayaa afarta galabnimo illaa subixi hal saac waxa uu kusoo rogay, gaadiidka ka howlgasha magaalada Ceerigaabo.
Arrintaani ayaa waxa ay saameyn ku yeelatay dadka ku dhaqan magaalada, si gaar ah gaadiidleyda ka howlgashamaagaladaan.
Darawallada gaadiidka kaxeeya oo ka hadlay arrintaan ayaa sheegay, iney dhibaato ku qabaan bandowga uu soo rogay maamulka la baxay Soomaaliland, cabaqadna ay ku noqotay noloshooda.