Markale Dowladda Federaalka, ayaa xillibaanno katirsan Baarlamaanka u diiday iney u safraan magaalada Baydhabo ee uu ka arimiyo maamulka labaxay Koonfur Galbeed.
Waxaa saakay ciidamada sirdoonka Dowladda Fedaraalka gaar ahaan kuwa ka howlgala garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ay udiideen inuu halkaasi ka duulo, Xildhibaan Maxamed Sheekh Cabdullahi Ciirow oo kamid ah Xildhibaannada Dowladda Fedaraalka.
Xildhibaankaan ayaa markii uu tagay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho lagu wargaliyay, inuusan usafri karin magaalada Beydhabo ee xarunta gobalka Baay.
Horay waxaa sidaan oo kale loogu diiday iney garoonka ka duusho, haweeney lagu magacaabo Sareedo oo iyadana kamid ah xildhibaannaada.
Tallaabadan ayaa imaaneysa iyadoo maalmihii lasoo dhaafay warbaahintu tabineysay, in heshiis horudhac ah laga gaaray khilaafka Xasan Sheekh Maxmuud iyo Laftagareen.