HomeAll newsMarkab Milliteri oo uu Maraykanku Leeyahay oo ku Quusay Biyaha Bariga Dhexe.

Markab Milliteri oo uu Maraykanku Leeyahay oo ku Quusay Biyaha Bariga Dhexe.

Shabakadda wararka ee CNN ayaa baahisay in Markab dagaal oo kamid ah maraakiibta dowladda Maraykanka, lagu weeraray xeebaha mandiqadda loogu yeero Bariga Dhexe, oo maalmahan aad u kacsan.

Sarkaal Ameerikaan ah oo ay shabakaddu soo xigatay, ayaa sheegay in markabka USNS Big Horn, uu la kulmay waxyeello adag, xilli uu shidaal siinayay maraakiibta dagaalka Maraykanka ee jooga biyaha Bariga Dhexe.

Sarkaalka Ameerikaanka ah wuxuu ka gaabsaday inuu faafaahin ka bixiyo waxa rasmiga ah ee ku dhacay markabka iyo halka ay gaarsiisantahay waxyeellada, wuxuuna sheegay inuu socdo baaritaanno la xiriira arintaas.

Shabkadda CNN ayaa sheegtay in ciidankii saarnaa markabka la weeraray ay nabad qabaan, islamarkaana aanu jirin qof ay waxyeello soo gaartay. Dowladda Maraykanka way ka gaabsatay iney si dhab ah uga hadasho halka lagu beegsaday markabka.

Markabkan waxyeelladu soo gaartay ayaa kamid ah ciidamo Ameerikaan ah oo maalmihii lasoo dhaafay soo buux dhaafiyay biyaha mandiqadda, iyadoo qeyb ka ah walwalka Maraykanku ka qabo in siraaca ka socda mandiqadda Bariga Dhexe uu faraha ka baxo.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular