Saacadihii lasoo dhaafay, ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa howlgallo qaraxyo ah waxay ka fuliyeen saddex magaalo oo katirsan gobolka Shabeellaha Hoose.
Qarax ka dhacay magaalada Buulo-Mareer oo lagu beegsaday goob ay isbaaro u taallay ciidamo katirsan kuwa Dowladda Federaalka, ayaa waxaa ka dhashey khasaare isuga jira dhimasho iyo dhaawac.
Sarkaal ciidan oo lagu magacaabo Sayid Ibraahim Barre ayaa ku dhintay qarax ka dhacay Buulomareer, halka uu ku dhaawacmey askari kale.
Sidoo kale qarax ka dhacay degmada Afgooye oo lala eegtay ciidamada sirdoonka NISA ayaa geystay dhaawaca 3 askari. Qarax saddexaad oo ka dhacay Bariire isaguna lama oga waxyeellada ka dhalatay.