Xasan Sheekh oo ah madaxweynaha Dowladda Fedaraalka ayaa isagoo khudbad ujeedinayay saraakiil katirsan ciidamada Boliska waxa uu ka hadlay, dhaqan xumada ciidanka iyo dhibaatooyinka isugu jira dilalka iyo dhaca ay ugeysanayaan dadka rayidka ah.
Ciidamada Dowladda Fedaraalka qeybahooda kala duwan ayaa magaalada Muqdisho iyo qaar kamid ah goballada dalka ka geysta, dilal iyo dhac ay ku hayaan bulshada.
Intuu uu hadlayay Xasan Sheekh ayaanan marnaba soo hadal qaadin wax qabashada ciidankaas, waana taas midda askarta ku dhiirragalineysa iney halkooda kasii wadaan dhibaatada ay dadka ku hayaan.