Diyaaradaha dagaalka ee maamulka Yahuudda ayaa maalinkii afaraad sii wada duqeymaha xoogan ee ay ka geysanayaan dalka Lubnaan, kuwaasoo si indho la’aan ah u beegsanaya goobaha dadweynaha.
Saacadihii lasoo dhaafay waxaa dhacay silsilado duqeymo ah, kuwaasoo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac isuga jira, isbitaallada caafimaadka ayaana la ciir ciiraya dadka dhaawacyada qaba.
Deegaannada dhaca koonfurta dalka Lubnaan ayaa ah kuwa ugu badan ee marti gelinaya duqeymaha, laakiin waxaa kaloo jira deegaanno dhaca bariga dalka oo iyaguna marti geliyay silsilado duqeymo ah oo ay geysteen diyaaradaha Yahuudda.
Maalintii shalay oo Arabco ahayd oo keliya, waxaa duqeymaha Yahuudda ku dhintay ugu yaraan 72 ruux, halka ay ku dhaawacmeen 354 qof, kuwaasoo isuga jira qeybaha kala duwan ee bulshada.
Ra’iisul wasaaraha Lubnaan Najiib Miiqaati, ayaa tilmaamay in xaaladda dalkiisa ay adagtahay, isbitaalladana aaney qaabili karin dhaawacyo intan kabadan, isagoo ku baaqay in la joojiyo dagaalka.
Dhanka kale, ururka shiiciga ah ee labaxay Xisbullaah, ayaa duqeymo ku garaacay deegaanno katirsan dhulka Filastiin ee kujira gumeysiga Yahuudda, duqeymaha ayaana gaaraya goobo aaney horey sawaariikhdooda ugu dhici jirin.
Taliska ciidamada Yahuudda ayaa dhankiisa sheegaya inuu isku diyaarinayo in howlgal dhanka barriga ah ku galaan koonfurta dalka Lubnaan, si bay yiraahdeen ay u burburiyaan goobaha gantaallada laga soo tuuro.
Waxaa socda isku dayo iyo dadaallo ay wadaan Faransiiska iyo Maraykanka, oo lagu sheegay in lagu doonayo joojinta xiisadda Lubnaan, si aaney xaaladdu u gaarin goob aan laga soo celin karin, laakiin lama oga halka ay ku biyo shuban doonaan tallaabooyinkaas.