HomeAll newsDowladda Federaalka oo Quus Ka Muujisay Wadahadallada ay Kula Jirto Itoobiya.

Dowladda Federaalka oo Quus Ka Muujisay Wadahadallada ay Kula Jirto Itoobiya.

Dowladda Federaalka ayaa quus ka muujisay in isku dayada lagu doonayo in lagu xalliyo khilaafka kala dhexeeya Itoobiya uu kusoo dhamaado guul.

Wasiirka arimaha Dibadda Dowladda Federaalka Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay in ra’iisul wasaaraha Itoobiya uu maray wado qarda jeex ah, isagoo baalmaray Dowladda Federaalka, sidaasoo ay tahayna uu xilligani diyaar u ahayn oo aanu dooneyn inuu kasoo noqdo arintaas.

Wuxuu kaloo sheegay in Dowladda Federaalka iyadoo shaatigeeda lagu heysto, ay hadana ka qeybgashey wadahadalladii ka dhacay dalka Turkiga, ee lagu doonayay in lagu xalliyo khilaafka Itoobiya iyo Dowladda Federaalka, si aaney ugu ekaanin dad diidan xalka.

Halkan ka dhagayso.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular