Duqeyn maanta oo Jimco ah ka dhacday magaalada Bayruut ee caasimadda dalka Lubnaan, ayaa wararka qaar waxay tilmaamayaan in lagu beegsaday hogaamiyaha guud ee ururka shiiciga ah ee la magac baxay “Xisbullaah”.
Warbaahinta maamulka Yahuudda, ayaa tabiyay in duqeyn lagu beegsaday xarunta ururka shiiciga ah oo ku taalla xaafadda Koonfureed ee Bayruut, la rumeysanyahay in dadka lagu beegsaday ku jiro Xasan Nasrallaah.
Afhayeen u hadlay ciidamada maamulka Yahuudda, ayaa sheegay in duqeynta ay ku beegsadeen hogaamiyaal sare oo katirsan ururka shiiciga ah ee degan Lubnaan.
Illaa iyo hadda si faafaahsan looma cadeyn karo in duqeynta lagu beegsaday Xasan Nasrallah, iyo in sidoo kale haddii isagu ahaa ruuxa la beegsaday uu dhintay ama uu ku dhaawacmay.