Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa habeenkii xalay waxay weerar ku qaadeen, isbaarro ciidamada Dowladda Federaalka u taallay buurta Cali Godey ee xaafada Xoosh ee degmada Dharkenley ee magaalada Muqdisho. Weerarka waxaa lagu dilay ugu yaraan 3 askari, halka lagu soo furtay qori iyo booshkiisa.
Dhanka kale, saldhiga ciidamada Uganda ee Buulo-Mareer, ayaa xalay waxaa lagu garaacay tiro madaafiic ah, kuwaasoo gudaha ugu dhacay xerada, goobjoogayaal ayaa soo wariyay inuu dab ka kacay xerada qeybo kamid ah.
Sidoo kale, ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay weerar ku qaadeen askar katirsan Dowladda Federaalka, kuwaasoo ku sugnaa meel u dhow deegaanka Nambar 50 ee gobolka Shabeellaha Hoose, 2 askari ayaa la xaqiijiyay iney ku dhaawacmeen weerarkan.
Dhinac kale, ciidamada Jugta culus ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, ayaa madaafiic ku garaacay garoonka magaalada Kismaayo, halkaas oo saldhig u ah ciidamada Maraykanka, kuwa Kenya iyo askarta maamulka labaxay Jubbaland. Ma helin faafaahin ku aadan khasaaraha.
Ugu dambeyntii, deegaanka Dhamase ee gobolka Mandera, oo kamid ah dhulka Soomaaliyeed ee kujira gacanta Kenya, ayaa xalay marti geliyay weerar culus oo dhexmaray ciidamada Kenya iyo kuwa Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.