Booliiska maamulka Puntland ayaa sheegay iney gacanta ku dhigeen mid kamid ah raggii ka dambeeyay afduub loo geystay markab laga lahaa dalka Bangaladesh, kaasoo laga qaatay lacago madax furasho ah.
Booliiska Puntland ayaa sheegay in magaalada EYL ay ku qabtee mid kamid ah kooxdii afduubatay markabka, islamarkaana xabsiga loo dhaadhiciyay.
Sawirka qof wejiga looga furay hummaag ayuu booliiska Puntland baahiyay, isagoo ku sheegay inuu yahay qofka ay gacanta kusoo dhigeen.
Markabka MV Abdullah ee laga leeyahay dalka Bangaladesh, ayaa laga afduubtay xeebaha Soomaaliya, waxaana la sheegay in bishii April ee sanadkan laga qaatay lacag madax furasho oo dhan 5 Malyan oo dollar.