Magaalada Lusi-kisiki ee gobolka Eastern Cape, ee Koonfur Afrika, ayaa waxaa ka dhacay weerar ballaaran oo lagu beegsaday dad deganaa magaalada, weerarkaas oo geystay khasaare culus.
Ugu yaraan 17 ruux ayaa la xaqiijiyay in weerarka lagu dilay, dadka la dilay ayaana haween u badan, kooxda dilka geystay ayaana illaa iyo hadda la heynin.
Booliiska ayaa wada isku dayo uu ku doonaayo inuu kusoo qabto kooxda weerarka ka dambeysay, mana cada sababta dhalisay weerarka.