Soomaalida ku nool dalka Canada ayaa Wajahaya Culeesyo uga imaanaya Dowladda dalkaas, taasoo xitaa dhageysta taleefannadooda gacanta.
Dad asal ahaan kasoo jeeda SOomaaliya, balse kamid noqday ciidamada booliiska dalka Canada ayaa waxaa lagu sameeyey dabogal iyo dhageysiga teleefannadooda gacanta iyaga iyo qoysaskooda.
Booliiska dalka Canada gaar ahaan magaalada Ottawa ee caasimadda dalkaas, ayaa dhageystay teleefannada gacanta ee ay wateen saraakiil katirsan booliiska oo asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliya, iyaga iyo xubnaha qoyskooda.
Maxamuud Xaaji Aadan oo kamid ah hogaamiyaasha Jaaliyadda Soomaalida ee dalkaas, ayaa sheegay in kiiskan loo bandhigay maxkamad ku taalla dalkaas, saraakiisha iyo qoysaskooda la dhageystay taleefannadoodana ay doonayaan in magdhow dhan 2.5 malyan oo doollarka Kanada ah la siiyo.
Soomaalida ku nool dalalka Yurub ayaa wajahaya cusuriyeyn ka imaaneysa dhinacyada bulshada ay ku dhex noolyihiin iyo dowladaha dalalka ay quxootinimada ku tageen, waxaana xitaa kuwooda ku dhaartay iney daacad u yihiin dalka ay tageen laga qabaa shaki, taasoo keeneysa in la dhageysto.
Arinta xusidda mudan waxay tahay, in culimada Muslimiinta ay ka digeen in laga mid noqdo ciidamada dowladaha gaalada, taasoo keeni karta in qofku xitaa Iimaankiisa iyo Islaamnimadiisa ku waayo.