Madaxweynaha Dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxmuud, ayaa quus ka muujiyay dhaqangalka mashruucii VAT ee la doonayay in lagu canshuuro dhaq-dhaqaaq weliba oo ganacsi oo uu sameeyo qofka Soomaaliga ah.
Xasan Sheekh Maxmuud ayaa ku eedeeyey ganacsatada, iney sameeyeen xeelado kale oo ay kaga baaqsan karaan iney ka go’do lacagta VAT, isagoo ku tilmaamay ganacsatadaas iney tuugo yihiin.