HomeAll newsItoobiya oo Shirka Qaramada Midoobay Ka Difaacday Heshiiskii ay la Gashay Soomaliland.

Itoobiya oo Shirka Qaramada Midoobay Ka Difaacday Heshiiskii ay la Gashay Soomaliland.

Wasiirka arimaha dibadda Itoobiya, oo kamid ahaa ka qeybgalayaashii shirka sanadla ah ee Qaramada Midoobay, kaasoo dhawaan kusoo idlaaday dalka Maraykanka, ayaa difaacay heshiiskii ay dowladiisu la gaartay maamulka labaxay Soomaaliland, kaasoo dhigayay in Itoobiya qaadato qeybo kamid ah badda Soomaaliya.

Taye Atske-Selassie oo ah wasiirka arimaha dibadda ee Itoobiya, ayaa sheegay in is-afgaradka ay la gaareen maamulka labaxay Soomaaliland, uu yahay is-afgarad saxan, oo aan ka hor imaaneynin qawaaniinta caalamiga ah, loona cuskaday hannaanka siyaasi ee ka jira Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu sheegay in heshiiska MoU-ga, uu mandiqadda geeska Afrika uga dhiganyahay horumar iyo barwaaqo, sida uu hadalka u dhigay, dhinacyada kasoo horjeeda oo ay Dowladda Federaalka kamid tahayna wuxuu ugu baaqay iney iska kaashadaan wuxuu ku tilmaamay ” la dagaallanka argagaxisada halista ku heysa mandiqadda”.

Sida ka muuqata hadalka wasiirka arimaha dibadda Itoobiya, xukuumadda Adis Ababa waxaa ka go’an iney ka dhabeyso is-afgaradkii ay la gaartay maamulka labaxay Soomaaliland, iyadoo aan dheg jalaq u siineynin hadallada calaacalka u badan ee kasoo yeeraya Dowladda Federaalka iyo madaxdeeda.

Dhawaan madaxweynaha maamulka labaxay Soomaaliland Muuse Biixi, oo waraysi siinayay telefeshinka Al-Carabiyah ee maamulka Aala-Sucuud, wuxuu sheegay in is-afgaradka ay la galeen Itoobiya uu isku bedeli doono heshiis rasmi ah, inkastoo aanu garaneynin waqtiga rasmiga ah.

Xasan Sheekh Maxmuud, madaxweynaha Dowladda Federaalka ayaa dhankiisa wuxuu sheegay in Itoobiya ay weligeedaba ku xadgudbi jirtay madax banaanida Soomaaliya, xilligan la joogana ay xoog ku qabstay dhamaan garoomadii diyaaradeed ee ku yaalay gobolka Gedo.

Halkaan ka Degso Warka Xabashida Itoobiya

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular