HomeAll newsImaaraatka oo Milliteriga Suudaan ku Eedeeyay Duqeynta Safaaradooda Khartuum.

Imaaraatka oo Milliteriga Suudaan ku Eedeeyay Duqeynta Safaaradooda Khartuum.

Xukuumadda Imaaaraatka Carabta ayaa sheegtay in safaaradeeda ku taalla wadanka Suudaan gaar ahaan Kharduum ay la kulantay, duqeyn dhanka cirka ah oo ku eedeeysay iney ka dambeeyeen ciidanka Suudaan, balse masheegin xilliga rasmiga ah ee uu dhaca weerarka.

War kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Imaaraat-ka  ayaa lagu sheegay, iney dhismaha safaaradda ay duqeyn la beegsatay, diyaarad ay sheegtay iney iska leeyihiin ciidanka Suudaan.

Weerarkan ayey wasaaradda ku tilmaamtay mid Arxandarro ah, waxayn intaas ku dartay iney weerarku uu geystay waxyeello soo gaartay dhismaha saafaaradda, iyadoo Suudaan dusha kaga tuurtay iney ku xadgudubtay xeerka uga yaalla ilaalinta dimlumaasiyadda.

Bayaanka kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Imaaraat-ka ayaa lagu tilmaamay, iney uga dacwoondoonto ururka Jaamacadda Carabta, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

Dhanka kale illaa iyo ma aanan arag namana soo gaarin wax war oo kasoo baxay dowladda Suudaan, kaasoo ay uga jawaabeyso eedeeynta loo jeediyay.

Xukuumadda Imaaraat-ka Carabta ayaa si dadban ugu lugleh dagaalka Sannad kabadan ka socda wadankaasi, waxaynta taageero hiil iyo hooba la garab taagan tahay malleeshiyaadka RSF ee gumaadka ku haya Shacabka Suudaan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular