Waxaa maanta xabsiga Mandheera laga sii daayay xillibaan Maxamed Abiib oo katirsan maamulka labaxay Soomaaliland, kaasoo waayadii u dambeysayba u xirnaa Muuse Biixi.
War qoraal ah oo kasoo baxay Maxkamadda sare ee maamulka labaxay Soomaaliland, ayaa lagu sheegay in sharci-darro ay tahay xariga Maxamed Abiib, sidaasi darteedna ay tahay in si deg-deg ah xabsiga looga sii daayo.
Taliyaha ciidanka Ilaalada Xabsiyada maamulka labaxay Soomaaliland, ayay Maxkamaddu ku amartay in Xillibaan Maxmed Abiib Yuusuf uu si degdeg ah xabsiga uga sii daayo.
War qoraal ah oo uu Maxamed Abiib soo dhigay baraha bulshada, ayuu ku sheegay inuu dib u helay xorriyadiisa, waxa uu ku xirnaana ay ahayd sharci-darro, sida uu warka u dhigay.
Maxamed Abiib, oo laga soo doorto gobolka Awdal, ayaa kamid ah xillibaannada mucaaradka ku ah Muuse Biixi, waxaana mucaaradnimadaasi keentay in xabsiga la dhigo.