Wararka ka imaanaya degmada Luuq ee gobalka Gedo ayaa ku waramaya, in maamulka Jubbaland ee ka arrimiya degmadaasi uu bandow kusoo rogay bulshada halkaasi ku nool.
Waxaa gabi ahaanba hakad galay isku socodkii dadka iyo gaadiidka, iyadoo sidoo kale la xiray goobaha waxbarashada ee ku yaalla degmada Luuq ee gobalka Gedo.
Xaaladdaan bandowga ah ayaa kusoo aadeysa, iyadoo waayadii u dambeysayna ay degmada Luuq marti gelineysay weeraro ay fuliso Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Xaalad cabsi iyo walwal ah ayaaa soo wajahday maamulka degmada Luuq, iyagoo walaac ka muujiyay xaaladda amni ee ka jirtaa degmadaas..
Degmooyinka kale ee ku yaalla gobalka ayay sidoo kale ka jiraan xaaladaha nuucaan ah, waxaana masuuliyiin katirsan maamullada degmooyinkaas oo horay saxaafadda ula hadlay ay sheegeen, iney go’doon ku yihiin magaalooyinka duleedyadana ay ufadhiyaan Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, taas oo ay usii dheer tahay weerarada joogtada ah ee ay ka kulmaan.