HomeAll newsXuuthiyiinta oo Dhulka Soo Dhigay Diyaarad Maraykanku Leeyahay.

Xuuthiyiinta oo Dhulka Soo Dhigay Diyaarad Maraykanku Leeyahay.

Galabnimadii shalay oo Isniin ahayd waxaa magaalada Sacda ee dhaca Waqooyiga Yaman ku burburtay, diyaarad Drone ah oo ay lahayd dowladda Mareykanka, taasoo ay dhulka Soo dhigeen kooxda Xuuthiyiinta, sida ay ku sheegeen war ay soo saareen.

Afhayeenka kooxda Xuuthiyiinta ninka lagu magacaabo Yaxya As-Sariic oo ka hadlay dhacdadan ayaa sheegay, iney usuurgashay iney soo ridaan diyaaraddan oo nooceedu yahay MQ9, xilli ay dooneysay iney howlgal dhanka Cirka ah ka fuliso Sacda sida uu hadalka udhigay.

Wuxuu intaasi ku daray, in horay Mareykanka uga soo rideen 11 diyaaradood oo noocaan ah, kuwaasoo uu tilmaamay iney soo dhigeen, mudada ay sida tooska ah dagaallada uga socdaan mandiqadda loogu yeero Bariga Dhexe.

Muuqaal ay baahiyeen Xuuthiyiinta oo ay kasoo duubeen diyaaradda, ayaa lagu arkayaa iyadoo ku dhacday meel buur ah islamrkaana burburtay.

Dhankeeda dowladda Marekanka ayaa qiratay iney jirto diyaaraddan ay soo rideen Malleeshiyaadka Xuuthiyiinta ee ay taageerto dowladda Shiicada ah ee Iiraan, hase ahaatee ma aysan bixin tafaasiil intaasi ka dheeri ah.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular