Tahriibayaashaan ayaa maaliintii shalay oo Isniin ahayd ka baxay xeebta jaziiradda Jabrba ee katirsan wadanka Tuunis waxaana markii ay marayaan meel aan ka fogeyn jaziiradda la degtay doonidii ay saarnaayeen.
Illa aiyo 12 ruux oo isugu jiray 5 rag ah, 3 caruur ah, iyo 4 haween ah, ayaa dhintay halka 29 kalena lasoo badbaadiyay, sida uu sheegay afhayeen u hadlay xukuumadda Tuunis.
Warbaahinta dalkaasi ayaa sheegtay in dadk doonta saarnaa ee ka baxay jaziiradda Jarba oo dhaca Koofur Bari Tuunis ay ahaayeen ku dhowaad 60 qof.
Dalka Tuunis ayaa marka laga hadlayo wadamada ku yaalla Waqooyiga Afrka
lagu tiriyaa inuu yahay meesha ugu badan ee ay ka baxaan Tahriibayaasha doonaya iney galaan qaaradda Yurub gaar ahaan Talyaaniga.
Bilihii koobaad iyo shanaad ee sanadkan 2024 oo kaliya, ayaa la sheegya iney 103 doomood oo Tahriibayaal waday ku degeen badda Tuunis, sida lagu xusay war kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudah ee dalkaasi.
Dadka ku dhintay xeebaha dalka Tuunis ama lagu waayay sanadkii 2023-kii, ayaa la sheegay iney gaarayaan 1,300 ruux, tirada dadka ku haligaya naftooda halistan ayaana ah mid isa soo tareysa sanad waliba.