Habeenkii xalay, dowladda Shiicada Iiraan ayaa gantaallo boqollaal gaaraya waxay ku garaacday, deegaannada Filastiin ee ku jira gumeysiga maamulka Yahuudda, waxaana gantaallada qaar ay ku dheceen dhismayaal.
Dowladda Iiraan waxay sheegtay, iney beegstay saldhigyo milliteri oo Yahuuddu leeyihiin, inta badan gantaalladuna gaareen ahdaaftii lala beegsanayay, maamulka Yahuudana wuxuu dhankiisa sheegay in duqeynta Iiraan aaney wax hadaf ah xaqiijin.