Dowladda Xabashida Itoobiya ayaa billawday, iney baaritaanno iyo dib usoo celin ku sameyso gaadiidka ka baxa goballada Soomaaliya ee taga dhulka ay gumeysiga ku heysato Xabashida.
Xukuumadda Xabashida Itoobiya ayaa gabi ahaanba qaaday ciidankii Liyu Bolis ee ku sugnaa baraha koontarool ee laga galo dhulka ku hoos jira gumeysigeeda, iyadoona ku badashay ciidamo Itoobiyaan ah.
Gaadiidka ka baxa goballada dalka ayay dib usoo celisay dowladda Itoobiya, iyadoona baaritaanno xad dhaaf ah ku billawday gaadiidka galaya dhulka ay gumeysato.
Waxaa intaa dheer in gaadiidka qaar ay kala degtay tiro dad ah, kuwaas oo aan illaa iyo iminka la ogeyn halka ay jaan iyo cirib la’aaday.
Halkaan ka Degso Warka Dowladda Itoobiya